Dhawaan hadal ayuu sir fakatay oo kale lagu micneeyey uu siiyey Telefishin Kenya ku yaalla William Ruto uu kaga hadlay Arimaha Siyaasada Soomaaliya.
Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay markaasi uu wareysiga bixinayey in ay sugayaan shakhsi aan aheyn Farmaajo oo doorashada kusoo baxa.
“Waxaa inoo muuqata in doorashada dhawaan ka dhaceysa Soomaalia uu soo baxo Qof Khaat-ka Ganacsigii aan ku laheyn Soomaaliya dib usoo celiya”.
Ruto oo sii hadlayey ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan xiriirkii hooseeyey muddooyinkii dambe Labada Dal uu dib usoo hagaago Doorashada dhaceysana tahay mid go’aamin doonta.
Warar ayaa sheegaya in xitaa Kenya ay ubisan bisooneyso sidii ay Kiiska Maxkamada ICJ Ee Muranka Badda wada hadal lagu dhameeyo oo Maxkamada kiiskaasi laga soo wareejiyo.
Kenya oo deris la ah Soomaaliya ayaa arimo badan ay ka dhaxeeyaan tiiyoo sidoo kale ay jiraan waxyaabo diidaya in ay isku fahmaan,siyaasada iyo diblomaasiyada ayaa aheyd mid aan cago badan ku taagneyn sanadihii dambe.
Doorka looga baahnaa Villa Soomaaliya oo arintaas ah weli ma muuqato,inkastoo Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Guuleed uu si maldahan usheegay in Itoobiya iyo Kenya labadaba Albaabada laga xirtay Fara gelin ay kusoo sameeyaan Doorashada Soomaaliya.
Kenya waxay taageereysaa Murashax mucaarad ku ah Farmaajo,waxaana loo badinayaa in C/raxmaan C/shakuur oo hore arinta Badda kiiskeeda ku lug lahaa,ama Xasan Cali Kheyre oo ay Madaxweyne la rabto Soomaaliya.