ADDIS ABABA:-Afahayeen dowladda Itoobiya, Ridwaan Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda gobolka Tigray ee Maqalle in ay isaga baxaan magaalada.
Afhayeenka ayaa sheegay in arrinkan ay ugu turayaan dadka rayidka ah si ay u fududaato in ciidamadu ay dagaal magaaladaas kula galaan jabhadda TPLF ee haatan gacanta ku haysa.
Ridwaan ayaa sheegay in uu gabaabsi yahay wakhtigii ay dowladdu u qabatay in jabahaddu isa soo dhiibaan oo ku eg Arbacada berri ah.
Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay in ay iska ilaalineyso in lagu dul dagaallamo nus malyanka qofka ee ku nool caasimadda Tigray.
Hoggaamiyaha gobolka Tigray, Debretsion Gebremichael ayaa dhankiisa sheegay in shacabkiisa ay doorbidayaan in ay dhintaan intii ay isa soo dhiibi lahaayeen.
Xukuumadda Itoobiya ayaa guulo ka sheegatay dagaalka saddexda todobaad ka socda gobolka Tigray ee ka dhanka ah Jabhadda TPLF iyada oo horay u sheegtay in ay qabsatay magaalooyin dhowr ah.
Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in guulo ay ka gaartay dagaalka isla markaana ay kusii siqayaan caasimadda.
Majiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya xaaladda dhabta ah ee ka taagan gobolkaas isgaarsiinta telefoonka iyo midda internet-ka oo go’an awgood
In kabadan 35,000 oo qof oo dagaalkaasi ka qaxay ayaa gaadhay dalka Suudaan ee Itoobiya deriska la ah.