Marxalada Kala guurka iyadoo dalka uu ku jiro ayaan la ogeyn waxa dhici doona,dhiilo siyaasadeed ayaana la dareemayaa.
Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku rajo weyn in Xukunka Dalka kusoo laabto xeelad walbo oo dib udoorashadiisa isagoo adeegsadanaya.
Senator Dhag dheer ayaa yiri “dalkaan dooradiisa qoray lagu qabto Madaxweyne, qalalaase siyaasadeed ayey abuureysaa haku hamin.
Sidoo kale waxa uu yiri Senator Dhag dheer “Boorarka musharaxiinta hakaa nabad galaano Madaxweyne illeen xoog leyskuma qabsan karee”
Senetor Cabdi Axmed Dhuxuloow Oo loo yaqaano (Dhag dheer) ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu falsafad aan xoog aheyn Doorashada ku yimaado.
Waxa uu Senetakaan katirsan Aqalka Sare Soomaaliya uu ka mid ahaa saaxiibada aadka ugu dhawaa Ra’iisal Wasaarihii hore Ee Dalka mudane Xasan Kheyre.