AMSTERDAM:-Ciidamada booliska Netherlands ayaa su’aalo weydiiyay cilmi-baare ammaanka internet-ka ah oo lagu magacaabo Victor Gevers kaas oo la sheegay in uu ku guulaystay gelidda cinwaanka uu Twitter ku leeyahay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Gevers ayaa bishii hore shaaciyay in uu galay cinwaanka Trump ee Twitter isagoo isticmaalay lambarka sirta ah ee “MAGA2020!” si ku nasiibsi ah.
Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad-oogga Netherlands ayaa xaqiijiyay inay su’aalo weydiiyeen khabiirka, balse aanay wax codsi ah uga imaan dhanka Maraykanka.
Booliska ayaa hadda looga baahan yahay xaqiijinta in ninkan uu jabsaday cinwaanka Trump
Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa beeniyay in taasi ay dhacday, halka shirkadda Twitter ay sheegtay in aanay hayn caddeyn muujinaysa in cinwaanka Trump loo dhacay.
Gevers ayaa sheegay inuu hayo xog dheeraad ah oo uu ku xaqiijinayo sheegashadiisa. Ma uusan shaacin waxa ay tahay xogtaas, balse qofka marka uu galo cinwaanka Twitter-ka qof kale waxa uu arki karaa, diri karaa farriimaha khaaska ah sidoo kale waxa uu arki karaa qoraallada iyo dadka uu sida gaarka ah u keydsaday xogtooda wuxuuna heli karaa xogo ay kamid yihiin inta qof ee uu iska xayiray ama uu block saaray.
Gevers ayaa weriyayaasha u sheegay in 22-kii Oktoabar uu jabsaday cinwaanka Trump uu ku leeyahay Twitter.
89 milyan oo qof ayaa ku xiran barta uu madaxweyne Trump ku leeyahay aaladda twitter-ka oo uu aad u adeegsado.