WELLINGTON:-Ciidmada booliska dalka New Zealand ayaa gabdhaha muslimka ah ee ciidaankaas ka midka ah u oggolaaday in ay xiran karaan xijaabka iyaga oo aan ka tagaynin dharka ciidannimo.
Arrintann ayay boolisku sheegeen in ay kaga gol leeyihiin ku dhiirrigelinta gabdhaha muslimka ah in ay ku biiraan ciidamada booliska dalkaas.
Zeena Cali ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee ka tirsan ciidamada biiloska New Zealand ee ku labbisata xijaabka.
Afhayeen u hadlay booliska dalkaas ayaa sheegay in laamaha boolisku ay garwaaqsadeen in ay tixgeliyaan kala duwanaashaha bulshada dalkaas tanina ay qeyb ka tahay.
Waxaa tallaabadan mid la mid ah horay u dhaqan-geliyay una oggolaaday in gabadhaha muslimka ah ee booliska xubnaha ka ah ay xidhan karaan xijaabka booliska magaalada London 2006, sidoo kale booliska Scotland 2016.