Madasha xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir iyo hoggaamiyeyaal kale oo katirsan mucaaradka ayaa kahor yimid hannaanka loo maray dhismaha guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, War-saxaafadeed ay soo saareen ayay si cad oo qoraal ah ugu muujiyeen Walaaca ay ka qabaan xubno katirsan hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, Shaqaalaha madaxtooyada iyo kan rayidka oo ay xisbiyada mucaaradku ku xuseen Warsaxaafadeedkooda in ay kamid yihiin saraakiin katirsan Nabad-sugidda Soomaaliya- (NISA)
Xisbiga Wadajir ayaa War-saxaafadeedkiisa ku sheegay in inta badan xubnaha guddiga doorashooyinka ee labada heer ee dowladdu ay yihiin ama ay ka tirsna yihiin hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, tiro kale oo kamid ah xubnaha guddigana waxa uu ku sheegay in ay yihiin taageerayaasha madaxweynaha.
Wadajira ayaa sidaas oo kale waxa uu xusay in magacaabista xubnaha guddiga doorashada gobolada Waqooyi (Somaliland) ay baal marsan tahay sidii lagu heshiiyey oo ahayd in guddoomiyaha aqalka sare loo daayo magacaabista xubnahaas
Madasha xisbiyada Qaran waxa ay Warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in Ra’isalwasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya ay qaadi doonaan mas’uuliyadda sida ay sheegeen wax walba oo keeni kara muran iyo wax shaki gelaya madaxbannaanida guddiga iyo Natiijada Doorashooyinka Baarlamaanka.
Haddaba eedda faragelinta hay’adda Nabad-sugidda & Sirdoonka qaranka ee Doorashooyinku halis intee la eg ayay u geysan kartaa dowladnimada jilcan ee Soomaaliya?