Musharraxiinta mucaaradka ah ee xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay hadal shaley ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadiir Cumar Filish kaas oo weerar afka ku qaaday go’aanadii shaley kasoo baxay shirkii ay kusoo gabagabeeyeen magaalada Muqdisho.
Waxay sheegeen in hadalka Cumar Filish ay dhab u qaadanayaan ayaa lagu yiri war murtiyeed ay soo saareen musharraxiinta mucaaradka “Goluhu wuxuu caddeynayaa in Madaxweyne Farmajo uu qaadayo mas’uuliyadda natiijada ka dhalata falka colaad hurinta ah ee ay xukuumadiisu ku hawlan tahay”
Sidoo kale waxay ugu baaqeen dowladda inay iska ilaaliso hadallada naceybka iyo kala qeybsanaanta abuuri karo si loo qabto hanaan doorasho oo laisku waafaqsan yaahy.
“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa hoggaanka Dowladda Federaalka ah in ay ka waantoobaan colaad hurinta iyo ficillada abuuraya naceybka, taa bedelkeedana ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wadar-ogol ah”
Shaley ayay aheyd markii Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu jawaab u diray musharraxiinta madaxweynenimada Soomaaliya ee go’aanka kasoo saaray shirkii muqdisho uga socday.
“Anigu fowdo ma yeelayo, bootada ay aqrinayaanna afkooda masoo dhaafeyso, car hasoo dhaafto. Haddey soo dhaafto maxaa dhacaya?, haddey soo dhaafto afkooda, meeshii laga soo diray ayey u carari doonaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Filish.