HARGEYSA:- Midowga Yurub ayaa canbaareeyay xukun qisaas ah oo uu dhowaan maamulka Soomaalilaan ku fuliyay lix ruux oo ay Maxkamadaha Soomaalilaand ku xukumeen dil toogasho ah.
Midowga Yurub ayaa sheegey in ay aad uga xumaadeen lix qof oo dhawaan lagu qisaasay Soomaalilaand ayna kasoo horjeedaan in ciqaabta noocaasi la fuliyo.
“Midowga Yurub wuxuu leeyahay mowqif mabda’ ah oo ka dhan ah ciqaabta dilka ah waxayna ka soo horjeedaan adeegsiga ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Midowga Yurub.
Dhowr jeer oo hore ayuu Midowga Yurub sidan oo kale u canbaareeyay xukunno dil ah oo lagu fuliyay dad ay Maxkamaduhu ku xukumeen in loo qisaaso danbiyo ay galeen oo ay ciqaabteedii noqotay dil toogasho.
Dhanka kale Mabaad’ida iyo xeerarka dowladaha Midowga Yurub ayaa mamnucaya in qofka lagu xukumo laguna ciqaabo dil toogasho.
Magacyada dadka ay Soomaalilaand ku fulisay xukunka dilka ah.
1-Farxaan Maxamed Xasan (Buuhoodle )
2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd (Burco)
3- Axmed Ibraahin Faarax (Burco)
4-Khadar Aleel Xirsi (Gabiley)
5- Xasan Muxumed Cismaan (Hargeysa)
6- Caydaruus Khadar Haybe (Hargeysa)