ADDIS ABABA:-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamadiisu ay gacanta ku dhigeen magaalada Maqalle ee caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Ciidamada ayaa galay magaalada kaddib markii uu sii kululaaday dagaal halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa jabhadda TPLF.
Abiy ayaa sheegay in markii ay ciidamadu galeen magaalada ay xabsiga ka sii daayeen kumannaan askari oo ay kooxdu qafaal u haysatay.
Garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada maamulka ayuu sheegay ra’iisul wasaaruhu in ay ku jiraan gacanta ciidamada dowladda ee la wareegay Maqalle.
Hoggaamiyaha jabhadda Debretsion Gebremichael ayaa farriin qoraaleed uu u diray wakaaladda wararka Reuters ugu sheegay in ay ka go’antahay in ay sii wadaan dagaalka ay kaga horjeedaan xukuumadda.
Jabhadda ayaa hadal ay shalay soo saartay ku eedeysay ciidamada dowladda in duqeymo ba’an ay la beegsadeen magaalada oo ay ku noolyihiin dad rayid ah oo dhan nus milyuun qof.
Colaadda todobaadyadii ugu dambeysay ka holcayay gobolka Tigray ayaa sababay geeridaa boqollaal iyo barakaca kumannaan kale.
Xaaladda uu ku suganyahay gobolka ayay adagtahay in wax faahfaahin dheeri ah laga helo Khadka taleefanka iyo kan internet-ka oo go’an awgii.