Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada sida weyn oga soo horjeedo dowlada oo hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa caawa si yaab leh oga hadlay go’aanka kasoo baxay dowlada.
Mahad Salaad oo qoraal oo soo dhigay facebook ku weeraray madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo qorshaha oo ka leeyahay eryida safiirka Kenya halka kan dowlada Soomaaliya lagala soo baxay Kenya.
Mahad Salaad ayaa xogtiisa kusheegay in Safiirka Soomaaliya ufadhiiyo magaalada Nairobi oo haatan kusuganyahay magaalada Muqdisho halka kan kenya oo jiro dalkiisa.
Qoraalka xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidaan u qornaa..
Waxan maqli jiray “Habar dhali waysay aleelo ku waalatay”. Inta aan ognahay Kenya waxba kama halleyn Soomaaliya, marka laga reebo in ay ka diiday Farmaajo in ay u soo afduubaan Madaxweyne Axmed Madoobe una keenaan isagoo lugaha iyo gacmaha ka xiran.
Waxa kale oo ceeb iyo foolxumo ah, ayna ahayd in laga xishoodo safiirka Kenya ee la sheegay in uu dalka isaga baxo maba jooga Soomaaliya oo mar hore ayuu dalkiisii u laabtay, safiirkeenii Kenya inoo fadhiyeyna Muqdisho ayuu dhex meeraysanayaa!
Farmaajow waan ku ognahay 2017 Itoobiya ayaa CADOW ah in aad doorasho ku gashay, marka 2020 Kenya ayaa CADOW ah cod nooga heli meysid ee beenta iyo boor isku qariska maad naga dhaaftid walaalow!
Hon. Mahad Salad