Madaxweyne Farmaajo ayaa goordhoweyd shir deg deg ah ugu yeeray ma’uuliyiinta beesha Mareexaan wixi kaga sugan Magaalada Muqdisho. Shirka oo goordhow furmay ayaan la ogeyn waxa kasoo bixi doona,
waxaase loo badinayaa inuu qaraabadiisa kala tashanayo wixi uu yeeli lahaa Maaddaama talada dalku gacantiisa kasii baxayso, oo inta badan sxbbadii kubiireen shirka Muqdisho uga socda Midowga Musharrixiinta oo maalintii saddexaad galay.
Shirka kasocda Muqdisho oo marki hore ay soo qabanqaabiyeen Musharrixiin u badan beesha Hawiye ayaa Maalinba maalinta kadambeysa waxaa kusoo biiraya beelo cusub.
Saakay aroorti waxaa shirka kusoo biiray Mas’uuliyiinta Beesha Direed kumatala Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo guddoomiye Cabdi Xaashi.
Caawa ayaa waxaa haddana kubiiray Mas’uuliyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Beesha shanaad ugu sarreeya kuna matala Dowladda Soomaaliya. Dhanka kale labada Maamul gobaleed ee Beesha Daarood oo kala ah Puntland iyo Jubbaland ayaa qeyb weyn kuleh soo abaabulka shirkan.
Dowladda Soomaaliya ayaa kudhisan nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 taas oo beelaha kadhigeysa saldhigga Dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo Wuxuu ku Qasban yahay inuu Doorashada Sada saxda ah ku qabto.
Danjire Maxamed Caalim