Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey xalay liiska Guddiyada Doorashooyinka Federaalka ee 2020/2021 oo kala ah Guddiga Doorashada heer federaalka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ka kooban 21 xubnood, waxaana lagu dhex arkay gacan-yarihii Madaxweyne Farmaajo oo hadda ku magacawnaa xilka Agaasime ku xigeenka xilka sii hayay ee Madaxtooyada C/nuur Maxamed Axmed oo horena u ahaa Afhayeenka madaxweynaha.
Arrintan oo hoosta laga xariiqay ayaa soo baxday iyadoo aan la shaacin inuu xilkii hore iska casilay ama laga qaaday, taasoo ka mida shuruudaha xubnah Guddiga Doorashooyinka, waxayna caddeyn u tahay sida Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo u doonayo inuu saameyn ugu yeesho Doorashada soo socota.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa intii ay xukunta timid waxay dadaal ugu jirtay inay soo saarto maamul Goboleedyo taageersan, oo qaarkood awood loo adeegsadya sida K/Galbeed iyo Galmudug, iyadoo hadda ay soo shaac baxeyso inay la wareegeyso guddiyada Doorashada 2020/2021.
Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa hore xogheyntiisii ay iyo xubno kale oo u dhow ka mid noqdeen Guddiga Doorashada maamulka Hirshabeelle oo dhinaca kale Doorasho degeg ah ka socoto oo ay saameyn ku leedahay Madaxtooyada Soomaaliya.