Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo shirkooda galay maalintii afaraad ayaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirkooda, iyadoo la filayo in laga soo saaro war murtiyeed.
Xubnaha musharixiinta ayaa kulamo aan loo kala kicin ka waday magaalada Muqdisho, iyadoona shirka ka socda Muqdisho ay xalay ku biireen guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdi Raxmaan Mursal iyo ku xigeenkiisa.
War qoraal ah oo musharixiiinta ay si wadajir ah u soo saareen ayey maamul gobolleedyada dalka, kaga dalbadeen inay ka saaraan guddiyada ay soo magacaabeen xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka, kuwaa oo aan buuxin ayey yiraaheen sharuudaha ka mid noqoshada guddiyada doorashada.
Saacadaha Soo aadan ayaa la filayaa in warsaxaafadeed la xiriira tabashadooda doorashada iyo sida ay doonayaan in ay dhacdo ay soo saaraan musharixiinta ku shirsan Magaalada Muqdisho, xili dowladda Federaalka Soomaaliya ay tababar magaalada Muqdisho uga furtay guddiyada lagu muransan yahay, iyagoona maalmaha soo aadan bilaabi doono shaqooyinkooda.