War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska qaybta Booliiska Gobalka Bari ayaa lagu sheegay in Howlgal lagu xaqiijinayo amniga laga sameeyay Xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland.
Howlgalkan oo ay iska kaashanayeen Ciidamada Booliska Gobalka Bari,PSF iyo PMPF waxaa hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xusseen Cali Maxamuud, waxaana ujeedka Howl galka lagu sheegay xaqiijinta amniga Bosaaso xili dhawaan lagu qabanayo dorashada xildhibaanada aqalka hoose ee DFS.
Howlgalkan amni inta uu socday waxay ciidamadu ku soo aruuriyeen hubka sida sharci darada loogu wato Magaalada ,waxaa sido kale lagu baarayay gawaarida iyada oo laga fiiqayay bacaha madow ee lagu dhagsado baaburta.
Taliyaha Qeybta Gobalka Bari G/sare xuseen cali maxamuud ayaa shacabka uga mahadceliyay siday ciidamada ula shaqeynayaan amniga magaalada.
Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni darro, iyada oo weeraro bambaanooyin oo ka dhacay lagu dilay Askar iyo Dad Shacab ah.