MUQDISHO:- Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ayaa Jimcihii booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid Soomaaliya, taas oo ka dhigan booqashadii ugu horreysay ee xoghaye gaashaandhig Mareykanka ah uu ku yimaado Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa ah dalkii ugu danbeeyay ee uu Miller booqasho ku tagayo kadib afar waddan oo uu safarkiisii ugu horreeyey oo dibadda ah ku tegayo tan iyo markii uu Madaxweyne Trump xilkan u magacaabay toddobaadyo ka hor.
Sii hayaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka ayaa saacado kooban ku sugnaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isagoo halkaas kula kulmay qaar ka mid ah ciidamadii Mareykanka ee ku sugan caasimadda. Miller ayaa ka soo duulay xerada militariga Mareykanka ee Camp Lemonnier ee dalka deriska ah ee Jabuuti.
In kastoo saraakiisha Pentagon-ku ay sheegeen in ujeedada safarku ay ahayd in ay la kulmaan ciidamada inta lagu guda jiro munaasabadda Thanksgiving-ka ama mahadnaqqa, waxa ay booqashadani ku soo aadeysaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maamulka Trump uu qorsheynayo in uu Soomaaliya ka soo saaro ku dhowaad 700 ee askari ee Mareykanka ka jooga Soomaaliya, kuwaasi oo caawimaad siiya ololaha ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa tababara isla markaana la taliya ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab oo ah kooxda ugu weyn ee ka tirsan Al-Qaacida.
Sidoo kale ciidamada Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah al-Shabaab iyo kooxda Daacish ka fuliya Soomaaliya, iyagoo bishii hore duqeyn ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan al-Shabaab.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin dhimista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, laakiin saraakiisha difaaca ayaa u sheegay warbaahinta CNN in dhimis ballaaran la filayo maalmaha soo socda.