Wararka hoose la helayo ayaa sheegaya in kulan Qarsoodi ah uu dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil katirsan Sirdoonka Israel.
Kulanka faah Faahinta laga heli karo waa mid kooban mana jirto war kasoo baxay dhanka Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkaas uu kaga hadlayo.
Ilo madax banaan ayaa usheegay in Kulanka oo ka dhacay Magaalada loo dalxiiso ee Sharma al sheikh Dalka Masar.
Xiriir dhexmara Soomaaliya iyo Israel ayey ka arinsadeen labada dhinac xilli Dawlado carbeed waayahaan dhexmarayey heshiisyo diblomaasiyadeed.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale utaagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya isagoo waayahaan ololaha doorashadiisa ka waday Dalka Masar.