Mucaaradku waxay na leeyihiin: Gudiyada Doorashooyinku waa List la qoray oo ka kooban Nabad sugid, Ciidan iyo Shaqaala Dowlo mana aqoonsanin, Laakin kuwa Gudiyada soo Magacaabay waan Aqoonsanahay.
Baarlamaanada Maamul Gobaleedyada, Dadku ma dooran. waana List lagu soo Diyaariyay Madaxtooyada. Laakin, Madaxweynaha Maamul Gobaleedka ey u Doortaana waan u hambalyeeyneeynaa.
Xildhibaanada Maamul Gobaleedyadu waa kuwo lagu xulay hab Sharci Daro ah, mana aqoonsanin. Laakin iyagaa Xaq u leh in ey Soo magacaabaan, Xildhibaanada Aqalka Sare taa waan ku taageersanahay.
Odayaasha Ergada Soo Xulayo ma ahan kuwii Sharciga ahaa ee Beesha ka wakiilka ahaa, Laakin Ergadaasi haddii ey soo Xusho Xildhibaanada aan rabno waan aqoonsaneeynaa Xildhibaanadaa.
Doorashooyinkaa heer Gobal waa sharci daro waana lagu shubtay. Laakin Doorasha heer Qaran oo ey dhali doonto tan heer Gobal, waa in ey noqdaan Sharci oo aan lagu shuban.
Mucaaradoow, Nirigta ha ku Marmarsimoonina ee noo sheega Hashu ma Booliyaa mise waa Xalaal.
Marna na dhaha :Hal booliya Nirig Xalaala ma dhasho. Marna waa dhashaa.
Qore : Yahya Amir