BARAAWE:- Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay kadib munaasabad xilwareejin oo ka dhacday magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa xilka Gobolkaas ku wareejiyay Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo isna horey u soo qabtay xilkan.
Guddoomiyihii hore Ibraahin Najax ayaa ka sheekeeyay guulihii iyo waxqabadkii uu sameeyay maamulka Shabeellaha Hoose muddadii uu Guddoomiyaha ka ahaa.
“ Gobolka Shabellaha hoose oo aan soo xukumayay 20-kii billood ee la soo dhaafay waxaan gaarnay guulo waaweyn inanga oo xaqiijinay fulinta mashaariic muhiim u ah bulshadda sida Tabbabaridda shaqaalaha maamullada, Daadajinta nidaamka dowliga ah, qodista kannaallo, xoreynta deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiye Cabduqaadir Siidii ayaa Ibraahim Najax uga mahadceliyay shaqooyinkii Gobolka uu kasoo qabtay, wuxuuna ballan qaaday inuu shaqooyin kale Gobolka ka qaban doono inta uu xilka haayo.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa todobaadkii hore Cabdiqaadir Siidii u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose.