SOUTH AFRICA:- Weerarada lagu hayo Gaadiidka Xamuulka (Trucks), ayaa kordhay, waxaana xalay kaliya la gubay 5 Taraag, taasoo ka dhigaysa in maalmo gudahood in ka badan 20-Gawaarida isjiidka ah la weeraray islamarkaana dab la qabadsiiyey.
ilaa iyo iminka lama oga sababta kaliftay iyo cidda ka dambaysa beegsigan tooska ah, ma Shirkadaha qaar oo Daraawalo Ajaanib ah Gawaarida u kaxeeyaan ayaa bartilmaameedku yahay, maadaama ay inta badan South African-ku ku andacoodaan in Shaqooyinkooda ay la wareegeen Dadka soo galootiga ama Shisheeyaha ah, mise ujeedo kalaa jirta,
jawaabtaas ayaa Companyadu waxay ka sugayaan, Wasiirada Booliska iyo Gaadiidka ee Dowladda Madaxweyne Ramaphosa.
Soomaali badan oo Daraawalo ah, ayaa ka mid ah Kumanaanka Ajaanibta ah ee Kaxeeya Gawaarida Xamuulka ah ee isaga kala goosha gudaha South Africa iyo Dalalka la ologga ah.
Abdulrazak IndhaJaceyl