ANKARA:-Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay qaraxii xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla agagaarka Isgooyska lambar afar qaraxaas oo ay ku dhinteen 8 qof oo dhallinyaro ahaa, halka 10 kalena ku dhaawacmeen.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin geerida 8 qof oo ku dhimatay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Muqdosho.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan argagixiso waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Soomaaliya. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehellada dhibanayaasha waxaanan caafimaad deg-deg ah u rajeyneynaa kuwa dhaawacmay” ayaa lagu yiri warkan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 10 kalena waa ku dhaawacmeen qarax xalay ka dhacay meel maqaaxi aheyd oo lagu caweeyo.