Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu maanta gaaray Magaalada Jowhar.
Soo dhaweyn heer sare ah oo loo sameeyey kasokoow waxa uu sheegay in uu uxiisay Magaalada Jowhar uu halgankiisa Siyaasada kasoo bilaabay 14 sano ka hor.
Shir jaraa’id uu qabtay Shariifka ayuu ka sheegay Jowhar in ay usocdaan dhageysiga dad wax tabasho qabay si xal loo gaaro.
Ex Madaxweyne Shariif ayaa waxay ka digeen in la qabto Doorashada Hirshabelle iyadoo sanduleys la adeegsanayo oo Kuwa cabanaya la xaal marin.
Waa qeyb ka mid ah ololaha doorashadiisa uu Shariif ku raadinayo Doorashada Soomaaliya uu labo jeer ku guuldareystay balse markaan uu dedaal badan ku bixinayo.
Sheekh Shariif ayaa labadii doorasho udambeeysay ka libin heli waayey Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Sheekh Shariif