Is weeydiin meeyno Madaxweynaha Faransiisku in uu dambi galay, Nin gaal ah oo Allaah ku caasiyay in uu Rasuulkiisiina u gafo lama yaabani. Laakin Akhlaaqda masuuliyadeed ee Dalkiisa ayuu meel uga dhacay.
Muxuu ahaa Macron?.
Macron waxa uu ku dhashay Magaalada Amiens ee Farance 21 Dec 1977. waalidkii intii eyna isfurin waxa ey ahaayeen Qoys ah Dadka aan Diin oo dhamba aaminsaneeyn , isaga oo 12 jir ah ayuu iskii isaga aaday Khamiisadda Roman Catholic si uu nolol uga raadsado Halkaa.
kadibna, isaga oo 15 jir ah ayaa xiriir dhax maray Macalimadiisii, Brigitte Trogneux oo aheyd 39 jir. sharciga yurub Da’daasi waa saqiir, waalidkii oo arrintaa ka carooday ayaa ka fogeeyay Macron Isgoolkii iyo Magaaladii, kadibna dib ayeey isku raadsadeen Isaga iyo Macalimadii, markii uu gaaray Da’da 18 jir ayeey isku guursadeen iyada oo leh 3 Caruur ah oo qaarkood isaga ey ka Da’ weeynyihiin.
maxaa ku kalifay caayda ?
waxa uu badanaa ka tirsanaa Xisbi Hantiwadaaga ah, waxaa loo doortay Madaxweyne 7 May 2017. wareegii Labaad ee codeeynta ayuu ku guuleystay 66.1%. Hadda waxaa u muuqatay in uuna Doorashada Xigta ku guuleysaneyn, waxa uu damcay in uu soo jiito Dadka Neceb Ajaanibta iyo kuwa aan Diinta leheyn si uu cod uga helo, taa oo fashil ku dhamaatay kadib markii uu aflagaadeeyay Nabigeena Moxamed SCW.
Dhinaca kale waxaa aad aad ugu soo badanayo Dalka Faransiiska Dadka soo galayo Diinta islaamka, waxaana la saadaalyay in 30 Sanno kadib in Faransiisku uu noqon doono Dal Muslimiintu ey ka bataan Kirishtaanka tira ahaan, Lana dooran doono Madax islaam ah, taas oo Dad uu ka mid yahay Macron cabsi galisay .
Hadda Dalka France ilmaha ku dhasho ee loo bixiyo Magaca Moxamed waxa ey ka bateen kuwa loo bixiyo Joon.
Maxaa laga bartay Caaydaa?
Nabi ,Allaah uu ku amaanay Akhlaaq wanaag, Caayda Macron waxba ka naaqusi meeyso. waxaa arrintaa ka soo horjeestay Madaxda Caalamka islaamka marka laga reebo kuwa Carabta intooda badan, wadamada Turkey, Maleshiya, indonisiya ,Bakistaan, Bangaladesh iyo kuwa kale iyo shucuub badan oo islaam ah oo aan Carab aheyn sida Dalka Jejniya oo Madaxweynohoodii uu hor ka cayo Shacabkii. Daawo Vedio ga (D.V.1aad). iyo Madaxweynayaal ku soo Barbaray Diinta islaamka,sida Madaxweynaha Turkiga Urdukhan iyo Xaakiisa ( F.S: 1aad).
wadamada Carabta Badankoodu waa ka Af gobaadsadeen in ey Macron toos ugu eedeeyaan gafka uu ka galay Islaamka, Tusaale ahaan,Dowlada Somalidu sooma hadal qaadin Magaca Macron ama Dalkiisa, waxa ey ku soo koobeen Diimaha hala xaq dhowro,( laga yaabee in ey jirto aragti siyaasadeed oo sidaa u fasaxee) laakin Annigu Siyaasi ma ihi, Diinta iyo Siyaasaduna isagama keey darno. Shacabka Somalida ayaa dareenkiisa oo caro leh la wadaagay walaalahooda Muslimiinta.
Macron, hore ayuu Dambi uga galay Allahii abuuray oo uu ku caasiyay, in uu Rasuulkiisana u gafo ayuu ku darsaday, Siyaasadii uu ka rabayna waa ku fashilmay, Gaalada in ey Nabiga Amaanaan kama sugeeyn, intii uu noolaa ayeey ceey jireen oo dhihi jireen waa Beenaale Sixroole ah, Markii uu dhintay ayaa 3 mar la isku dayay in la qodo qabrigiisa, Allaa ayaa Diinta Islaamka xafidayo xataa haddii Macron iyo gaaladu karaahsadaan, Muslimijntana masuuliyad ayaa ka saaran Diintooda sharafkeeda.
Ha gubin Callanka Faransiiska, waxa uu callan u yahay Dad Muslimiin ah, oo ka soo hor jeedo Macron, oo iyaga oo Callankaa wato Islaamka difaacayo, Callan iyo Shakhsi ceeytanay yeeyna isga kaa darmin, oo khilaaf cusub eyna ka dhax abuurin islaamka , waa sida Cadawga islaamku jeclaan lahaa. ha ku bururin Maro ,dhar la midabeeyay ee Arragtida dhinac kale ka fiiri. waa iga talo.
Macron waa Dambiile u gafay Diinta islaamka, waxaan ka baqaa in aan aragno, Madax iyo Culumo la soo adeegsaday sheeganayo islaannimo oo u gafayo Nabigeena Moxamed SCW .
Cadawgu waa batee, Muslimiintu ha iska war qabto hana isku duubnaato. waa iga talo.
FG: wixii aan ka khalday ka sax wixii ka dhimanna ku dar.
Qore : Yahya Amir