MUQDISHO:- Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharraxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn inuu isku dilo Shacabka uu doonayo inuu maamulo.
Daahir Maxamuud Geelle oo laba jeer oo hore soo noqday Wasiirka Warfaafinta sidoo kalena Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sucuudiga ayaa 20-kii bishan ku soo laabtay magaalada Muqdisho isaga oo sheegay inuu u sharraxan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
“Doorashooyin maslaxo ah oo isqancin ah baan rabnaa dagaal sokeeye loo laaban maayo, dhiig danbe inaan aragno ma rabno aniga ka qof ahaan waxaan wax ku rabo waa nabad, dadkii aan xukumi lahaa inaan isku dilo ma rabo, waa dadkii aan isku maslixi lahaay” ayuu yiri Daahir Geelle oo la hadlayay qaar kamid ah taageerayaashiisa oo ku sugnaa xarunta ololaha Musharax Daahir Geelle.
Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan in ay u tartamaan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa cabasho ka qaba habka ay dowladu usoo xushay Xubnaha Guddiga doorashooyinka heer federaal iyo dowlad goboleed waxayna tilmaamayeen in ay Dagaal sokeeye oo dib u qarxo ay sababi karto haddii dowladdu isku daydo in ay boobto doorashada waa sida ay hadalka u dhegeen.