Muqdisho:- Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay qofkii tuuray Bam gacmeed caawa lagu weeraray saldhiga degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Sida laamaha amniga ay sheegeen, ma jirto cid waxyeelo ka soo gaartay Bam gacmeedka lagu tuuray Saldhiga degmadaas.
Ciidamada amniga ayaa dardar gelinaya howgallada lagu xoojinayo amniga caasimadda si aysan cadowgu uga faa’iideysan.