Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay shaqsiyadda iyo taariikhda Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, isagoo aqoon dheer u leh ayna is yaqaaneen ilaa sanadkii 1989-kii.
“1989 dhamaadkeeda ayaa bartay, wuxuu ahaa dhalinyarrada diinta barata, kana mida xarakaadkaa islaamiga, nin dhalinyaro ayuu ahaa, waa nin aan aqaano waqti dheer oo xarakaadka islaamiga in badan ku soo jiray, kaddibna saxaadada u wareegay, dadka siyaasiyiinta la sheekeysta oo siyaasadda waqti badan geliya, ururkii Al Itixaad ayuu ka tirsanaa, Itixaadkana wey dagaalami jireen, inuu dagaalada qaar inuu galay waa laga yaabaa, gaar ahaan kuwii Gedo iyo Luuq ka dhacay” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo wareysi siiyey Barnaamijka Hanoolaato.
Fahad Yaasiin ayuu sheegay inuu xiriir la leeyahay dowladda Qatar, oo mar ka soo shaqeeya Telefishinka Al jazeera, kaddibna markii dambe u wareegay Machadka Daraasaadka Siyaasadda Al Jazeera.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=dxoLI4VwklA]
“Fahad waa Nin siyaasadda ku firfircoon oo juhdi badan geliyay, wax isku xir badan, abaabul badan &isku daya inuu saaxibo sameysto, dhaqaale dibadaha uga raadiya, Madaxweynayaal dhista, nin ogol isaga wax uu sameeyay uu qeyb ka yahay, dadaalkaas waa ku amaanan yahay, mar dowladdii xasan Sheekh Wasiir laga dhigay waa diiday.. waa nin mowqif leh oo waxa uu rabo si kasta ku raadiya, balse aan masaalix yar ka lahayn siyaasadda” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur si weyn u sifeeyay shaqasiyadda Fahad Yaasiin.
Wuxuu ku eedeeyay inuu in Fahad Yaasiin aanu laheyn aragti siyaasadeed oo dal weyn lagu maareeyo, isla markaana uu jecel yahay inuu xoog ku meel mariyo aragtidiisa ciriiriga ah, taasna ay isku qabteen isaga iyo Xasan Sheekh. Isagoo u janjeera fikirka iah ayuu sheegay in xoog waxa lagu maquuniyo oo ku dhisan fekerka salafiga oo ku dhisan &Al Walaa Wal Baraa.
“Kooxdii Xasan Sheekh ayuu ka mid ahaan jiray, dadkii wax ka dhistay ayuu ka mid ahaa ahaa, wixii ay Xasan Sheekh isku diideen waa fikirkaas ciriiriga, dabcan Farmaajo ayuu helay oo ay isla meel mari karaan fikirkaas ciriiriga, Farmaajo waa nin aaminsan in awood wax lagu qabsado, Milateri iyo koofiyo cas, marka waxaa ii muuqda labo fikir oo meeshaas iska aroostay” ayuu hadalkiis sii raaciyey C/raxmaan C/shakuur.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in dadka dhaqanka carbeed leh ee wax ku bartay ay jecel yihiin sirdoonka, saana ay tahay falsafada Fahad halka uu ka keenay inuu maanta noqdo Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya.