Guddiga difaaca Kuuriyada Koonfureed ayaa ansixiyay waqti kordhinta unugyada milatariga Kuuriyada Koofureed ee Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta (UAE) kadib kulan ay shalay ku yeesheen Caasimadda dalkaasi.
Gudiga baarlamaanka ee qaabilsan Difaaca ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay codsigii dowlada ee ahaa in la kordhiyo howlgalka dibedda ee qeybta Cheonghae ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida iyo qeybta gaarka ah ee Akhak.
Ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa Soomaaliya ka sii howlgali doonna ee ilaa dhamaadka 2021 si ay qeyb uga noqdaan howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda.
Kuuriyada Koonfureed ayaa xeebta Soomaaliya gaysay 300 oo xubnood oo ka tirsan kooxda Cheonghae tan iyo sanadkii 2009 taasoo qayb ka ah ka qayb qaadashada dadaallada caalamiga ah ee wax looga qabanayo burcad badeedda .
Cutubka Akh-ka oo ka kooban 150-koox ayaa waxay gacan ka geysanayeen tababarida ciidamo gaar ah oo ka socda Imaaraadka tan iyo sanadkii 2011.
Howlgalinta dibedda ayaa la cusbooneysiiyaa sanad walba iyada oo loo marayo ansixinta baarlamaanka. Kordhinta waa in lagu ansixiyaa kalfadhiyada Golaha Shacbiga.