MADRID:- Kooxda Atletico Madrid ayaa xalay 1-0 ku garaacday kooxda Barcelona kaddib kulan ka tirsan horyaalka Laliga dalka Spain oo xalay lagu ciyaaray garoonka kooxda Atletico Madrid ee lagu magacaabo Wanda Metropolitano.
Ciyaartan oo aheyd mid aad u xiisa badan ayaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hoggaamineysay kooxda Atletico Madrid.
Ciyaaryahanka kooxda Atletico Madrid ee lagu magacaabo Yannic Carrasco ayaa daqiiqaddii 45-aad ee ciyaarta gool u dhaliyay kooxdiisa kadib caawinaad uu ka helay saaxiibkiis Angel Correa.
Kooxda Barcelona ayaa awoodi kari weyday in qeybtii labaad ee ciyaarta ay iska soo guddo goolka agoonka ah ee Atletico Madrid.
Atletico Madrid oo gurigeeda lagu ciyaarayay ayaa difaacatay goolkeeda waxaana ay ugu danbeyn ciyaartii ku dhammaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Atletico Madrid.
Kooxda Barcelona oo billow aan wanaagsaneyn ku billaabatay sanadkan ayaa kaalinta 10-aad kaga jirta kala horreynta Horyaalka Spain ee Laligga.