Wararka laga helayo degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen guri ku yaalla degmadaas, isla markaana weerarkaas ay ku dileen Carruur & waalidiintooda.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay rasaas ku fureen Guriga, waxaana rasaastaas ku dhintay 7 qof oo kala ah, Hooyo, Carruurteeda iyo Aabaha guriga oo ahaa Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
Wararka ayaa waxaa ay taasi ku darayaan in Aabaha guriga ee askariga ahaa uu muddo iska caabiyay Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday, basle markii dambe ay dileen.
Taliyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool Daahir Aadan ayaa xaqiijiyay falkaas argagaxa leh, isaga oo sheegay inay wadaan baartaano la xiriira Arrintaasi & dadkii ka dambeeyay.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay dadkaasi Al-Shabaab ku dileen degmada Waajid, waxaana uu sheegay inay nasiib darro tahay dilka loo geystay dadkaasi.
Waxaan guud ahaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa qoyskii Soomaaliyeed ee arxan laawayaasha Alshabaab xaley si wadar ah ugu laayeen Degamada Waajid iyagoo gurigooda jiifa.
In hooyo uur leh iyo caruur la laayo keliya waxay ka suurowdaa damiir laawayaasha Alshabaab.
Waxaan qoyskii qaraabadii iyo dhamaan reer Waajid leeyahay samir iyo iimaan Ilaahey hanaga siiyo, iyagana qabrigooda allaha u waasaciyo Janatul Firdowsana ka waraabiyo.