Qodobadii Ugu muhiimsanaa Ee Uu Ra’iisal Wasaare Dr,Abiy Axmed ka Horjeediyay Golaha Wakiilada Shacabka.
1. dhamaan Goobaha Taliska Ee Ciidanka Itoobiya Taliyayaasha Iyo kuxigeenaduba waxay ahaayeen Tigray.
2. Dhamaan Taliyayaasha Ciidanka Hubka Cul culus waxay ahaayeen Tigray.
3. Dhamaan Darajooyinka laga soo bilaabo Birgeed Generaal ilaa darajooyinka Dhexe waxay ahaayeen Tigray.
4. Datuurku wuxuu Nagu qasbayaa dhisida ciidan Muuqaalka Itoobiya katurjumaya.
5. Shacabka Walayta iyo Sidaama Dad Isdila maha Waa dad Nabada jecel Arrinta isdilka waxaa kashaqaynaya waa falaagada TPLF.
6. Dhamaan Degaanada Dalka waxaa kadhaca Isku dhacyo laakiin Degaanka Tigrayga Arrintaasi kama Jirto,madaama iyagu ay ahaayeen Dab huriyayaasha,dad way dhinteen laakiin siday doonayeen umay noqon,dad way barakaceen laakiin siday doonayeen umay noqon.
7. Labadii sano iyo badhkii Udanbeeyay Deegaanka Oramaiya oo kaliya waxay kahuriyeen 37 isku dhacyo si ay kala shaki Gudaha ah u abuuraan lakiin waxay iska dhigayeen kuwo udamqanaya shacabka Oramiya ,Dhanka kale deegaanka Axmaarada waxay ka abuureen 23 isku dhac oo qaarkood ay diimo ku salaysnaayeen.
8. Si uuna Degaanka Amxaaradu Nabad unoqon waxay soo abaabuleen Arrinta qimanti iyo Amxaarada si ay isku dhacyo udhacaan.
9. Degaanka Binishaan Gul waxay ka Abaabuleen 15 isku dhacyo,dhanka kale Addis Ababa waxay ka abuureern 14 isku dhacyo.
10. waxay kudadaaleen Dilkii fanaankii hachaalu in ay kadhigaan Arrin udhaxaysa Oromada iyo amxaarada.
11. Degaanka Ganbeela iyo xeryaha qoxootiga Ee Degaankaasi waxay ka abaabuleen 7 isku dhacyo,sidaa si lamida Degaanka Shucuubta.
12. Shacabka Degaanka Tigray Waxay ku abuureen wal wal iyo cabsi iyagoo dhahay waxaa idin soo weerara amxaarada,waxaa idin soo weeraraya dawlada fadaraalka iyo Eritariya.
13. Isbadalka ka hore Wasaarada Gashaan Dhiga 80% boosaska Darajooyinka sare waxaa haystay waxay ahaayeen dhamaantood dad udhashay Deegaanka Tigray.
Wararka Qaar ayaa sheegaya in khudbadii maanta uu ka sheegay in derisnimada Soomaaliya iyo Itoobiya lagu rajo weyn yahay in aad loo sii waafajiyo,xilli Itoobiya dooneyso in labada dal la mideeyo dhul iyo shacab intuba.