Ku dhawaad 50 san oo shaqo dawladeed ah iyo la noolaanshaha han madaxweyne, Joe Biden ugu danbayn waa uu qabsaday aqalka cad.
Ma jirin ololahiisii cid saadaalisay. Waxa uu dhacay iyada oo ay jirto hal-qarni fowdo bulsheed aan horay loo arag. Wuxuu la tartamayey masuul aan caadi ahayn, oo xilka sii haya una heellanaa in uu difaacdo si adag. Laakiin isku daygiisii saddexaad ee madaxweynenimo, Biden iyo kooxdiisu waxay heleen dariiq ay ka maraan caqabadaha siyaasadeed isla markaana ku andacoodaan guul in kasta oo ay aad u yar tahay tirada codadka ee ergada doorashada, waxaa la saadaalinayaa in uu ka sarreyn doonto guud ahaan tirada guud ee Trump codad kor u dhaafaya malaayiin.
Kuwani waa shanta qodob ee u sahlay inankii uu dhalay odaygii gawaadhida gadi jirey ee ka yimi Delaware in uu ku guulaysto madaxtinnimada Maraykankan.
1. Covid, Covid, Covid
Laga yaabee waaba sababtii ugu ee Biden ugu guulaystay madaxtinnimada, waxayna wax guud ahaanba farahiisa ka baxsanaa madaxweynihii xilka hayey.
Faafitaanka coronavirus, oo sii sahayday in ka badan 230,000 oo qof, ayaa sidoo kale wax ka beddashay nolosha iyo siyaasadda Mareykanka sannadkan 2020. Maalmihii ugu dambeeyay ee ololaha guud ee doorashada, Donald Trump laftiisu wuxuu umuuqday inuu tan qirayo.
“Wararka beenta ah, wax walba waa Covid, Covid, Covid, Covid,” madaxweynaha ayaa ka sheegay isu soo bax ka dhacay todobaadkii hore Wisconsin, halkaas oo kiisasku ay sii kordhayeen maalmihii la soo dhaafay.
Warbaahintu waxa ay si weyn diirada saareen Covid, si kastaba ha noqotee, waxay u ahayd milicsi lama filaan ah Joe, halka uu dadweynaha u ahaa kii walaaca ku abuuray – Waxaana baahintiisii la saaray codeyn aan fiicneyn oo ku saabsan sida madaxweynuhu u maareeyay dhibaatada. Sahan la qaaday bishii la soo dhaafay oo ay samaysay Pew Research, ayaa soo jeediyay Biden inuu haysto 17 boqolkiiba dhibic taas oo ka sarreysa Trump markii loo eego kalsoonida ku saabsan sida ay u maareynayaan cudurka ‘Covid’.
2. Olole aan cuslayn
Intii uu ku guda jiray xirfadiisa siyaasadeed, Biden wuxuu aasaasay sumcad wanaagsan oo uu ku kasbaday inuu naftiisa dhex dhigo badanaa xaalado murugsan. Sababtaas ayaana galaafatay ololihiisii madaxweynenimo ee ugu horreeyay 1987, taas oo uu sidoo kale 2007-kiina uusan helin wax badan oo uu ka shidaal qaato, si uu ololahiisu u wanaagsanaado.
Isku daygiisii seddexaad ee Xafiiska Oval, Biden weli waa ay hortaagnaayeen hadalladiisii hore, laakiin waxay ahaayeen kuwo aan sii ridneyn.
3. Trump oo ahaa cidda la abbaaray
Toddobaadkii ka horreeyay maalinta doorashada, ololaha Biden wuxuu soo bandhigay xayeysiisyadiisii ugu dambeeyay ee telefishanka oo leh farriin aad u la mid ah tii lagu soo bandhigay ololihiisii kal hore, iyo khudbaddiisa magacaabista bishii Ogosto.
Doorashadani waa “loolan loogu jiro ruuxda Mareykanka”, ayuu yidhi, waxayna fursad u tahay muwaadinku inuu saxo wax uu ku sifeeyay kala qaybsanaanta iyo fowdadii afartii sano ee la soo dhaafay.
4. Wuxuu mar walba ahaa dhexdhexaad
Intii lagu guda jiray ololaha inuu noqdo musharraxa Dimuqraadiga, tartanka Biden wuxuu ka yimid bidixdiisa, iyadoo Bernie Sanders iyo Elizabeth Warren ay si wanaagsan u maalgeliyeen isla markaana abaabuleen ololeyaal dhaliyey oo isu keenay dadweyne aad u tiro badan.
5. Lacag aad u farabadan
Horaantii sanadkaan, qasnadaha ololaha Biden waxay ku socdeen faaruq. Wuxuu ku soo galay ololihii guud ee doorashada isaga oo go’aansaday khasaare, Trump, oo inta badan ahaa madaxweynenimadiisa oo dhan mid uruurinayey kharashkii u ku dagaal geli lahaa ee ololaha oo ku dhowaad bilyan doolar ahaa.
Dadka Siyaasada Udhuun daloola Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay ubadan tahay in falsafadii uu isticmaalay Joe Biden haduu Farmaajo Adeegsado uu guuleysan karo mar kalena Soomaaliya dib loo soo dooran karo.