Warar lagu kalsonaan karo ay heshay shabakada wararka Badweyn.com ayaa shegaayo in Xasan Cali Kheyre oo yahay musharaxa ay wadato dowlada Qatar oo siweyn saameyn ugu leh siyaasada Soomaaliya.
Xog aan ka helnay ilo u dhow dhow safiirka Qatar ufadhiyo SOomaaliya ayaa shegaayo in Xasan Cali Kheyre yahay musharaxa kowaad ee dowlada Qatar halka musharaxa labaad u wadato shaqsi kasoo jeedo beesha Raxaweyn.xog
Ilaha aan ka helnay xogtaan ayaa shegaayo in dowlada Qatar sanadkaan ciyaari doonto istaraajiyad cusub si u hesho madaxweyne ayada tageersan.
Fahad Yasiin ayaa lashegayaa in oo kulamo hoose oo la qaatay ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya MR Kheyre kasoo looga arinsanaayo arimaha doorashada iyo sida ugu macquulsan u hana lahayeen xildhibaanada soo socda.
Kheyre iyo siyaasihiinta xulafada la ah Qatar ayaa khilaaf xoogan soo kale dhex galay kadib markii xilka laga tuuray balse xaalka ayaa haatan u muuqdo mid isaga soo dhawanayaan.