Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga dhowrayaa inuu si dhaqsi ah ku soo magacaabo golihiisa Wasiirada, kuwaas oo halkeeda ka sii wada howsha qabyada ah ee ay ka tagtay Xukuumaddii hore.
Inkastoo si dhab ah loo hubin, Xubnaha Wasiirada ah ee ka mid noqon doona Xukuumadda cusub, hadana warar soo baxaya oo aan helnay ayaa sheegaya in Siyaasiga Salaad Cali Jeelle uu ka soo dhex muuqan doono Wasiirada cusub,balse lama oga xilka uu qaban doono.
Salaad Cali Jeelle oo ah Siyaasi aad u taageera Villa Soomaaliya ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Farmaajo gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif.
Sida wararka ay sheegayaan, madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheynayaa inuu Xukuumadda cusub ku soo daro siyaasiyiin badan oo muddo garab kula ahaa dagaalka mucaaradka,kuwaas oo markii hore fursad loogu soo daro xukuumadda la la’aa.
Sidoo kale, Wararka qaar ayaa sheegayaa in Xukuumadda cusub ay raajicinayaan xubno mucaarad ah iney ka mid noqdaan,kwaas oo buux dhaafiyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mr. Rooble.
Wasiiradii Xukuumaddii Kheyre qaarkood ugu dhowaa Villa Soomaaliya ayaa soo laabanaya, kuwaas oo laga xusi karo, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Axmed, Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Sidiiq Warfaa iyo Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.