Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka C/wali Ibraahim Muudeey iyo Xildhibaano kale ayaa wada qorshe ka dhan ah Xukuumadda cusub uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha shacabka.
Guddoomiye C/wali Ibraahim Muudeey oo ka careysan heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho ayaa hadda raajicinaya inuu saameyn iyo xubno muhiim ah ku yeesho Xukuumadda cusub ee la soo wado, waxaana qorshahan la wado Xildhibaano fara badan oo ku fikir ah.
Sida xogta aan helnay ay sheegeyso, Guddoomiye Muudeey ayaa damacsan inuu xubno muhiim ah ka helo Xukuumadda cusub, kuwaas oo sida wararka ay sheegayaan kala qeybsadeen Xafiiska, madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha golaha shacabka.
Xildhibaanada la safan C/wali Ibraahiim Muudeey ayaa la sheegayaa iney rabaan xilal sare iney ka qabtaan xukuumadda la soo dhisayo, kuwaas oo haddii laga dhega fureysto dalabkooda caqabad ku keeni karta in la ansixiyo Xukuumadda Rooble.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka oo dad badan ku heyb ka shaqaaleysiiyay Dowladda, qaarkood xilal sare ay ka hayaan ayaa hadana u ordaya inuu xubno Wasiiro ah ku yeesho Xukuumadda cusub ee uu soo dhisayo Ra’iisal wasaare Rooble.
Taliyeyaasha madaxtooyada Soomaaliya ayaa doonaya in Wasiirada cusub lagu soo koobo dadka taageersan taliska Farmaajo si doorashada soo socoto Xildhibaano loogu diyaariyo,islamarkaana ay dib u doortaan madaxweyne Farmaajo.