Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay 8-da Xubnood ee Guddiga Doorashada Dadban ee dowlad goboleedyada Hirshabelle, 8-da Xubnood ayaa waxaa wehlin doona 3 Xubnood oo ka imaan doona Federaalka.
Arrimaha layaabka leh ayaa ah in xubnahan oo ay aheyd inay Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn ay iska dhex doortaan marka la soo gudbiyo liiskooda ayaa haddana waxaa lagu magacaabay Wareegto.
Xubinta Xogheynta u ah Guddiga doorashada Hirshabelle ninka lagu magacaabo Anas Cabdicasiis ayaa ah gacanta midig ee Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.