1-Cabdi Ilka case oo ahaa Qoraleey u dalacay Gaanari ayaa maqlay Saaxiibtaa Maryan-Luul waxaa lagu darayaa Wiil la yiraa Nuur oo ey qaraabo yihiin oo London ka yimid. Cabdi isaga oo careeysan ayuu Aamino u yimid, kuna yiri: Maxaa ka jiro arrintaan i soo gaartay.
Waxay ku tiri: Cabdi Wallaahi, Adiga miyaan kaa tagi karaa, meelna uma socdo, saan kuu jecelahay. Haddii la i dhihi lahaa Cabdi iyo London kala dooro. Wallahi kuma Hilmaameen, Xattaa Dayaaradda dhaxdeeda waan kaa soo Salaami lahaa. ( F.S: 1aad)
( Cabdi intaa ma fahminee Nuuroow, Gabartii Sirtay Gaanari Qori wato, Adigoo Boorso Laptop wato ma kuu daahee)
2- Xalimo ayaa Duqeedi ku tiri: Xalay intaad ku maqneed Qayilaadda Tuug ayaa ii soo galay Guriga, Middi ayuuna qoorta iga saaray, kadibna Laba Farood ayuu ii taagay, waxa uuna igu yiri: waan ku dilaa oo waad dhimanee ama waan ku Naageysanaa. Ninkii oo yaaban ayaa yiri: Mideed dooratay? Waxa ey ku tiri: hadda waan Noolahay. ( F.S: 2aad)
( Siyaasi ayaa yiri: wafdigii ii yimid waxay igu yiraahdeen. Laba Mid dooro, Ama Dalkaaga khiyaan ama Kursigaad weynee. Waxaa lagu yiri: Maxaad sameysay?.wuxuu yiri: weli Xilkii ayaan haayaa).
3-Xassan Minnesota ayaa wacay Tel. kuna yiri: Hallow Quruxleeyda. Waxaa lagu yiri: yaa waaye ? Waxa uu yiri: waa Xassan . waxaa lagu yiri: maxaad rabtaa oo aad Quruxleeyda ii leedahay? Waxa uu yiri: waxaan iskula jirnaa WhatsApp Group-ka, waxaan Page-ka Group-ka ka ogaaday in aad Howlwadaag degan tahay, shalay ayaan ka imid Mareykanka Xageen isku aragnaa.
Waxaa loogu jawaabay , Waryaa i maqal, waxaan ahay Nin, Sawirka ii saarana waa Xaaskeeyha . Xassan ayaa yiri: Say Wallaahi, Qoftaadu waa shidan tahay. Sorry, sorry Numbarkeeda ma i sii kartaa?.
Yaah, Tabakaayada Mahlig ee Xaafadda Laba dhagax ku taal ugu imaad caawa 4 saac. Subixii FB: Groupka waxaa ku tiil, Xassan Gacan ka gardaran ayaa dishay. ( F.S: 3aad)
( war Ciyaalka dhaqan toosinta intaan la keenin, cashar hor dhac ah, ha la soo siiyo)
4- Faarax ayaa yiri: Saaxiibteey Lacag ey Hooyadeed ka soo xaday ayaan Ganacsi ku Bilaabay. Alx. Hadda waxaan ahay Nin Taajir ah. Saaxiibteey, hadda waxay rabtaa in aan Guursado, Sideen ka yeelaa? Maya , maya. Gabar Tuuga ah ma guursan karo.( F.S: 4aad)
( Gabdhoow, Hooyadaa oo Single Mother ah, wixii ey silac ku shaqeeysay yaan Sooryo lagaaga dhigin, ama laguugu Guur seejin. Waa iga talo)
5- Sheeydaan Buug iyo Qalin wato ayaa yimid Xamar, kadibna tegay Xeebta Liido, si uu aqoontiisa uga kororsado. Waxa uu la kulmay, Nin Xaaskiisii oo Qurbaha joogto soo siray , Mid Beeshiisa soo siray, mid Saaxiibadii siray iyo kuwa kale. Isaga oo la yaaban sida ey Ragani wax u siraan, ayaa waxaa u yimid sheydaan kale oo ku yiri: war kuwani yeyna waqti kaa dhumin ee raadso waxaa joogo kuwa Magaalada oo dhan kuwo Been u sheegay oo Shacabkii wada siray, halkan ma yimaadiin, ee ka raadi……..
6-Nin ayaa Dukaan waxa uu ka soo iibsaday 4 Xabo oo ah Kaniiniga Cusub ee Daroogada ah ee la yiraa “isma ogi” oo Maalmahaan Magaalada ku fiday.
Gurigiisa ayuu la tagay, markii uu dhameeystay ayuu Dharkii oo dhan iska saaray, kadibna waxa uu dareemay in uu u baahan yahay in uu Dukaankii ka soo iibsado 4 Kaniini oo kale. Waxa uu soo xirtay Diricii Xaaskiisa. Markii uu dukaankii tagay ayuu Dukaan lihii ku yiri: Adeeroow 4 Xabo oo kale iga iibi, 4tii hore waxba igama tarini. Dukaanlihii ayaa inta fiiriyay ku yiri: war 4 Xabo oo kaliya ayaad Diricii Xaaskaaga ku Xiratay ee haddan 4 kale kaa iibiyo soow Dhiig Caado kugu dhici maayo. ( F.S: 5aad)
(War Daroogadaan Baladka yaa keeno?. Nin Reer Jigjiga ahaa ayaa lagu yiri: Jannada Khamri ayaa yaal. Markaa ayuu yiri: Awoowgaa Alla gub, koleey Jannada waxaa khamriga Geeyay waa mid Reer Hargesa ah …. Hadda koleyba Xalane iyo Xerta ku xiran kama fogo Awoowgood Alla gubyee)
Qore: Yahya Amir