LIVERPOl:- – Virgil van Dijk wuxuu maray qaliin guuleystay oo dhanka jilibka ah kaas oo ka dhigan inuu seegi doono inta ka harsan xilli ciyaareedka 2020-21.
Daafaca dhexe Van Dijk ayaa dhaawac ka soo gaaray jilibkaa billowgii kulankii Merseyside derby bishii October 17 kadib markii ay isku dhaceen goolhayaha kooxda Everton Jordan Pickford.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa qalliin lagu sameeyay si Meesha looga saaro khasaaraha kasoo gaaray jilibka.
sidoo kale Liverpool mar kale ayey ku celisay bayaan ay soo saartay in aysan jirin wax jadwal ah oo uu ku soo laabanayo.
“Van Dijk wuxuu hadda si degdeg ah diiradda u saari doonaa bilowga soo kabashadiisa isagoo gacan ka helaya waaxda caafimaadka ee Reds,” kooxda difaacaneysa Premier League ayaa sidaa tiri.