Xuuraanka Iyo sida ay wax usocdaan dadka saadaaliya ayaa sheegaya in wax walbo isbadelo dhici karaan bilo gudaheed.
Waa la isku dhakan yahay,waxa soo baxday in ruwaayad aheyd Xilka qaadistii Kheyre oo La rabo inuu la fududeeyo Xukunka dib ugu soo laabashada Madaxweyne Farmaajo.
Hubanti ahaan sheekadaas wey yar tahay hadana waxa lagu qiimeyn karaa odoroska siyaasiyiinta ay ku cabirayaan wadciga taagan.
Docda kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga yaabaa in ay hantiyaan Guul hadii Cali Guudlaawe soo baxo.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayuu raadinayaa Guudlaawe isagoo beeyco ama heshiis la galay Madaxdii hore ee Dalka inta ka horeysana aysan hor istaagin damaciisa Hirshabelle hogaaminteeda.
Ka hor Doorashadii Madaxweyne Farmaajo maalintii Doorashada ka hor waxa Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan Hoteelka SYL Muqdisho kula qaatay Xildhibaanada markaasna uu heshiis la galay in codka siiyaan balse maalintii Doorashada ay doonta la gediyeen.
Siyaasada saaxiib joogto ah malaha balse dan joogto ayey leedahay oo Villa Soomaaliya oo hadda dejisey Hirshabellada cusub ayaa laga yaabaa inay wajahdo khiyaano siyaasadeed.
Lama oga kaadiriinta jilbo dhigashada wada iyo sida ay ukala guuleysan doonaan.