Wararka aan ka helayno degmada Howlwadaag gaar ahaan Xaafadda Salaama ayaa waxay sheegayaan in saakay dadka degaanka ay ku soo kaceen qof meyd ah oo la soo dhiagay xalay laamiga Salaam.
Qofkaasi la dilay ayaa ahaa qof rag ah ayaa wali la aqoonsanin, waxaana la wareegay Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Xaawo Taako ee degmada Howlwadaag.
Dilkiisa ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in loo adeegsaday Baangado kadibna la dul saaray oo siddaasi ay uga tageen kooxihii dilay.
Ciidanka booliska ayaa gaaray goobta, waxaana ay xireen wadooyinka soo gala goobta Meydka la soo dhigay, sidoo kalena waxay sameeyeen baaritaano.
Dhanka kale goobta qofkaan meydkiisa la soo dhigay ayaa ka agdhow goobtii khamiistii uu ka dhacay Qaraxa ismiidaamin ah ee lagu dilay taliye ka tirsanaa Ciidanka NISA.