Saddexdan kooxood oo ahaa kooxood oo ahaa Jabhadihii sida dhabta ula dagaallamay ciidamadii Rajiimkii kacaankii hantiwadaagga ahaa ee Maxamed Siyaad hoggaaminayay.
SSDF dagaal ba’an oo soomaali oo dhami ka jirtay ayaa ku dhacay, aad baanna loo jebiyey, waxa ayse ayaan ku yeesheen, awoodda ciidanka waa lagu weeraray oo waxaan diyaarad ahayn looma reeban, balse magaalooyinka waaweyn ma aysan soo gelin, taasina waxa ay meesha ka saartey in gobolladoodu burburaan.
Balse waa la laayay dadweynihii, dalka oodhan vaa laga takooray, waa la. xidhxidhay, shaqooyinkaa laga wada joojiyey, cadaadis ba’an ayaa la saaray.
SSDF waagii dambe heshiis bay dowladda la galeen waanna soo noqdeen, waxaanna la. siiyey magdhaw iyo dalka oodhan loo dhiibo oo dib u dejin lagu sameeyo, tan waa midho ay ku heleen dagaalkoodi.
Haddaba SSDF waa maamul deegaan ballaadhan ka taliya oo awood leh, gorgortan muuqdana leh, waa midhihii labaad ee ay ku helaan halgankoodi.
SNM waa Jabhaddii labaad ee la dagaalanta ciidamadii dowladda dagaal daba dheeraaday oo laysku madhay layskuna murugay.
Dagaalkan ayaysan dowladdii kacaanka ciidankeedu waxba u hambaysan dadweynihii gobollada waqooyi, oo hubka jaad walba lala dhacay, dadkana tarab tarab loo xasuuqay, ilaa heer diyaaraddo lagu duqeeyey iyo waxii dalka hub yaallay, SNM iyo ciidankii dowlwdda waxaa dhex maray dagaal aad u qadhaadh, ugu dambeyn guushii waxa ay raacday SNM oo deegaankeedii ka saartey ciidankii dowladda markii Koonfurna jabhaddo kale ka bilaabmeen, tani waxa ay wiiqday awoodii ciidankii kacaanka.
Hadda SNM deegaankeedii iyagaa ka taliya dowlad ayay dhisteen, kacaanka iyo ardaydiisiina waa iska yureeyeen, waxa ayna gurteen midhihii halgankooda. Lagumana soo qaadi karo meel. ay joogaan wax ku saabsan Rajiimkii kelitaliska ahaa ee dhagarqabaha ahaaa iyo hoggaankiisiiba.
SNM maanta waa awood ballaadhan oo jirta halgankoodiina gurtey midhihiisa, kana madax bannaan guud ahaa rajiimka iyo ardaydii uu soo barbaarshay ee aragtidiisa xambaarsan
USC waxa ay aas aasantey kaddib dagaalladii dalka ku faafay oo iyaga saameyntoodu gaadhay, markii dadka gobollada dhexe lagu bilaabay faquuq iyo ugaadhsi loona adeegsaday awooddii ciidanka dowladda laguma gumaaday, arrintani waxa ay keentay in ay is uruursadaan oo qaab awood ciidan isu abaabullaan. Jabhadda USC waa jabhaddii Burburisay kacaanka awoodiisiina wiiqday oo guud ahaan dalka ka saartay, iyaga dhib waa ka soo gaadhay, waxa ayse markiiba kala hortageen guluf iyo dagaal, iyagoo garab u noqday Jabhadii SNM taasina ay guud ahaanba keentay in ciidankii kacaanku si weyn u jabaan.
Haddaba USC markii ay dalka ka saartay ayaa magaceeda ugu dambaysay, mana jirin hiigsi iyo halga ay lahaayeen, kaddiv burburka dalka gaadhay ka sakoow, waxaa ilaa maanta deegaankii USC ka taliya kooxo ka mid ah hadhaadigii Kacaanka oo ilaa hadda u dhaqma qaabkii Kacaanka, waxaa la xusaa maalmihii kacaanka, waxaanna halkudheg laga dhigtaa in Kacaankii loo darsaday oo halgankooda USC ahaa waxba yahay. Haddaba maxaa u diiday USC in ay deegaankooda ka ilaaliyaan hadhaadiga kacaanka iyo ciddii aragtidaas xambaarsan, sidoo kale in laga dhigo dambi laysku xidho ciddii soo hadal qaada ama ammaanta NAZigii soomaaliya(Kacaanka) iyo Hitlerkii soomaaliya(Maxamed Siyaad).
USC waa dadka keliya ee aan guran midhihii Halgankooda, waanna dadka maanta ugu araga liita dhanka siyaasadda iyo horumarka deegaanka dhulka soomaaliyeed. Taasna waxaa leh eedeeda dadkaas oo hilmaansho dhaw sidoodabana aan lahayn go’aan nololeed iyo yool la yaqaan.
USC waa Qarandi ama Ufo oo godadka u qoda bahalaha iyadana roobku dusheeda ku dhammaado, halgan walba oo ay dadka reer USC galaan midhihiisa dad kale ayaa gurta oo ku naalooda.
Waxaa ayaandarro ah in maanta ninka magacooda ku fadhiya kursigooda oo faan ka dhigto Ubixii kacaanka ayaan ahaa, isaga oo ku raaligelinaya Farmaajo oo adeerkii ahaa dhagarqabihii dalkan burburshay unna arka xilka uu saami qaybsiga ku helay in Farmaajo siiyey. Dadka uu xilkaa u hayaanna aysan ka gilgilan karin kana warcelin karin.Hungo iyo hargo madhan.
WQ:Cabdiraxiim H. Galayr