Si loo xoojiyo is-dhexgalka iyo wada-noolaanshaha bulshada, gobalka Catalonia ee dalka Spain ayaa go’aansaday in dugsiga dadweynaha lagu bixiyo maaddo ku saabsan diinta Islaamka.
Qorshahan oo soo jiitamayay muddo badan, wuxuu farayaa iskuullada dowladda in sannad-dugsiyeedka 2020-21 ardayda Muslimiinta ah iskuullada loogu dhigo barashada diinta Islaamka.
Qorshahan wuxuu sidoo kale xoojin doonaa isdhexgalka iyo midnimada. Wuxuuna sidoo kale iftiimin doonaa taariikhda Muslimiintu ay ku leeyihiin Spain.
Dugsiyada ku yaalla Barcelona, Baix Llobregat, Girona, iyo Tarragona ayaa bixinaya casharada ku saabsan barashada diinta Islaamka.
Codsiyo buuxiyay xafiisyada dowladda oo ururrada Islaamka ee Spain ku dalbanayaan in dugsiyada waddanka lagu daro maaddo ku saabsan barashada diinta Islaamka, tallaabadan waxay jawaab u tahay baahidii ay qabeen.
Ardayda Muslimiinta ah ee dhigta dugsiyada dadweynaha ayaa hadda kadib heli doona xiisad loogu dhigo barashada diinta Islaamka.
Gobalka Catalonia oo kaliya waxaa ku nool 1.5 milyan oo Muslimiin ah. Waxaa kusoo xigta Andalusia oo ay ku nool yihiin 300,000 oo Muslimiin ah iyo Madrid oo ay ku nool yihiin 280,000.
Tirada Muslimiinta Spain waxaa lagu sheegay 3.8%. Badi Muslimiinta ku nool waxay kasoo jeedaan Morroco, waxaana jira in kale oo ka timid Pakistan iyo Senegal.