Wuhan waxay aheyd magaaladii uu kasoo bilowday cudurka Covid-19 balse nolosha magaaladan Shiinaha ku taalla oo ay ku nool yihiin 11 malyan qof ayaa si caadi ah kusoo laabatay.
Kaddib markii bishii Diseembar ee sanadkii lasoo dhaafay magaalada uu si ba’an u saameeyay safmarka- waxay noqotay magaalada ay booqdeen dadkii ugu badnaa xilligii Shiinaha uu ka socday dabaaldegga toddobaadka qaran ee la yiraahdo National Day Golden Week, kaas oo socday 1-da ilaa bishan Oktoobar.
Waxaa magaaladan xilliggaas booqday 19 malyan oo qof, sida laga soo xigtay daraasad ay sameysay waaxda dhaqanka iyo dalxiiska ee gobolka Hubei.
Waxaana xilliggas dunida saameeyay soo laba kacleynta cudurka Covid-19.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu ku tilmaamay Wuhan ‘Magaaladii halyeeyda aheyd’
Dowladda Shiinaha waxay sheegtay in Wuhan haatan aanan laga diiwaan gelin wax kiisas ah oo ku saabsan cudurka, inkasta oo ha’yadaha kala duwan iyo khuburrada ay rumeysan yihiin in hadalka kasoo baxay uusan sax aheyn.
“Dib u curashada” Wuhan
Iyadoo la xusay dabaal degga toddobaadka Golden Week, waxay dowladda abaabushay dad fara badan oo lagu arkayay xarunta tareenka laga raaco ee ku taalla Wuhan.
Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay, kumanaan qof oo sameynayo isu soo bax oo heesaya isla markaana lulaya calanka Shiinaha.
“Dib u dhalashad Wuhan kaddib cudurka Covid-19, waxay noqotay magaalo awood leh oo firfircoon” waxaa sidaas yiri Hua Chunying, oo ah ku xigeenka waaxda warfaafinta ee wasaaradda arrimaha dibadda, kaddib markii muuqaal uu soo dhigay Twitter-ka.
#Wuhan reborn after #COVID19 with more strength and vitality. To celebrate the upcoming #NationalDay, people in the city gathered for a flash mob singing My Country and I. pic.twitter.com/6S78sx9uVZ
— Hua Chunying 华春莹 (@SpokespersonCHN) September 30, 2020
https://platform.twitter.com/widgets.js
Vivian Wu oo aa tafatiraha xafiiska BBC-da ee Hong Kong ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta oo garab ka helayo warbaahinta waxay doonayaan in dadka ay usoo bandhigaan muuqaal muujinayo magaalada Wuhan oo ay xaaladdeedu wanaagsan tahay.
“Marka la fiiriyo waa arrin dhab ah, dadka waxay kasoo safrayaan guud ahaan Shiinaha si ay u booqdaan Wuhan” ayay tiri.
“Waxay u muuqataa in xaaladda magaalada ay si caadi ah kusoo laabaneyso, dad badan oo ay ganacsatada kamid yihiin waxay u maleynayaan in xaaladda aysan sidii hore aheyn, weli walaac ayaa ka taagan magaalada”
“Balse farriinta ay baahineyso dowladda ayaa ah inay ku guuleysatay xakameynta cudurka” ayay intaas raacisay Vivian Wu.
Shiinaha wuxuu diiwaan geliyay 91,151 kiis oo cudurka ah iyo wax ka yar dhimashada 5,000 qof halka Mareykanka tirada bulshadiisa ay ka yar tahay tan Shiinaha uu diiwaan geliyay in ka badan 8.5 malyan oo kiis iyo dhimashada ku dhawaad 225,000 qof.
“Waxaa Shiinaha ka jiraa kiisas hor leh balse ma ahan kuwo laga diiwaan geliyay Wuhan, dowladda wuxuu go’aankeeda yahay sidii ay u qaadi laheyd tallaabo kasta oo lagu xakameynayo cudurka mar kale soo ifbaxayo”
Waa arrin ay dabada ka riixeyso dowladda
In Wuhan loo dalxiis tego waa tallaabo ay dowladda dhexe iyo tan maamulka ay garwadeen ka yihiin.
Bishii Agoosto, dowladda gobolka Hubei waxay ku dhawaaqday 400 goobood oo si bilaash ah loogu dalxiis tegi karo kuwaas oo ku yaalla gobolka tan iyo dhammaadka sanadka.
Inkasta oo la xaddidayo tirada dadka booqanaya magaalada waxaana lala soconayaa heerkulka jirkooda.
Dadka inta badan u dalxiis tagey Wuhan waxay booqanayeen xarun taariikhi ah oo ku taalla bartamaha magaalada.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dowladda Xinhua, ugu yaraan shirkadaha qaabilsan duulimaadka oo gaarayo 1,000 iyo in ka badan 350 Huteelo ah ayaa ka qeyb ahaa barnaamijka dowladda, waxay qiimi jaban ugu adeegayeen dalxiisayaasha.
In Wuhan ay markale noqoto magaalo loo dalxiis tego waxay ka digan tahay kalsooni ah in mas’uuliyiinta Shiinaha ay si wanaagsan ula tacaaleen safmarka.
Waana fursad dahabi ah oo lagu xoojinayo waaxda dalxiiska ee dalkaas.
“Guusha” Dowladda
Waxay sidoo kale arrintan muujineysaa guusha ay gaartay dowladda Shiinaha.
Vincent Ni, oo ah khabir ka tirsan BBC-da uga warrama xaaladda Shiinaha ayaa sheegayaa in dowladd ay Wuhan u adeegsaneyso inay ku xoojiso dacaayadaheeda isla markaana haddii dhabta laga hadlo ay xaaladdu soo hagaagtay.
“Dadka waxay ogyihiin in xaaladda Wuhan ay wanaagsan tahay, mana jireen qof booqasho ku tego halkaas waa haddii feyraska uu ka jiro magaalada” ayuu yiri Vincent Ni.
“Dowladda Shiinaha waxay ku rajo wentahay in loo safro Wuhan oo ahaan jiray halkii uu ka dilaacay cudurka Covid-19, marka la fiiriyo aragtida dowladda, waxay gaartay ‘Guul’” ayuu intaas sii raaciyay.
“Xilli lagu dhaw yahay wakhtiga qaboobaha, su’aasha waxay tahay mar labaad cudurka maku soo labo kacleyn doonaa Shiinaha, xilli dad badan oo u dhashay oo arrintaas ka walaacsan yihiin, haatan dadka waxay ka faa’ideysanayaan xayiraadda laga qaaday oo ay xaaladda si caadi ah ay kusoo laabatay”
Seef labo af leh
Vincent Ni wuxuu sheegay in guud ahaan Shiinaha laga dareemay in xaaladda si caadi ay kusoo noqotay iyadoo waddooyinka lagu arkayo dad yar oo afka iyo sanka uu u daboolan yahay.
In ka badan 20 malyan oo qof oo ku nool magaalada Beijing, caasimadda Shiinaha inay xirtaan khasab kuma aha maaskarada.
“Marka aad dhinac wax ka eegtid, xaaladdu wey isbaddashay balse dhinaca kale waxay noqon kartaa ‘Seef laba af leh’ maadama uu weli feyraska jiro”
“Haatan lama hayo tallaal waxtar leh oo looga hortaggayo cudurka, haddii dadka ay is ilaalin waayo waxaa saameyn karaa cudurka oo mar kale soo laba kacleeya”
Sida laga soo xigtay ha’yadda lacagta adduunka ee IMF, Shiinaha wuxuu noqon doonaa dalka diiwan geliya kobaca dhaqaalaha ugu badan.