Barasaabka gobolka Koofue Galbeed ee dalka Cameroon, Bernard Okalia hayaa laga duubay muuqaal, isaga oo ku eedeynaya haween ku hor bannaan baxayay xafiiskiisa inay diideen inay sheegaan dadkii Sabtidii la soo dhaafay weeraray isla markaana toddoba arday ah ku dilay iskuul ku yaalla magaalada Kumba.
Haweenka ayaa isugu soo baxay bannaanka xafiiska Okalia iyaga oo ku baaqaya in la soo afjaro xasaradda ka taagan dalkaas ee u dhaxeeya dadka afka Faransiiska ku hadla iyo kuwa Ingiriiska ku hadla.
Wuxuu barasaabkii khudbad u jeediyay haweenkaas.
“Markii aan hore idiin weydiiyay, ‘waa kuma dilaaga?’ Waxaad dhahdeen ma naqaanno,” ayuu yiri.
“Waa kuwama kuwa dadka dila?” ayuu su`aalay, haweenka ayaa ugu jawaabay “Ma naqaanno”.
Wuxuu kaddib ku jawaabay: “Kuwa dadka dila waa walaaladiin, waa carruurtiinna, waa dadka idinku dhex nool waana diiddeen inaan soo saartaan.”
Muuqaal laga soo duubay dhacdadaas ayaa waxaa barta Twitter-ka soo dhigay weritye Mimi Mefo:
This is what the Governor of the South West region of #Cameroon, Bernard Okalia Bilai told mothers who marched to his office yesterday, calling for an end to Anglophone crisis. #EndAnglophoneCrisis pic.twitter.com/pyUcKDoEMo
— Mimi Mefo Info (@MimiMefoInfo) October 29, 2020
https://platform.twitter.com/widgets.js