Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa shaacisay qorsho lagu sugayo Amniga Magaalooyinka Hir-Shabeelle oo ay ka socdaan howlo lagu xulayo Baarlamaanka labaad ee Maamulkaas.
Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Hir-Shabeelle ay galeyso waqti doorasho, isla markaana si weyn ay u adkeeynayaan Amniga guud ahaan degaannada Maamulkaas.
Waxaa uu sheegay in dadaalka ay ugu jiraan sugida Amniga ay iska kaashaan doonaan, Ciidamada Dowladda, Ciidamada AMISOM iyo Booliska Hir-Shabeelle si loo adkeeyo amniga inta ay socdaan howlaha doorashooyinka.
Wasiirka oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in kulan uu la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira,isla markaana uu kala hadlay sidii AMISOM uga caawin laheyd sugida Amniga doorashooyinka Hir-Shabeelle.
Hadalka Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddo bil gudaheed ah Magaalada jowhar oo ah Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle lagu dilay laba kmaid ah Xildhibaannada Maamulkaas kana mid ahaa Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle.