Muqdisho:-Waxaa hakad uu ku yimid dhaqangalka jadwalkii doorasho ee ay soo saareen guddiga u xilsaaran soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabelle.
Arrintaan ayaa timid kadib markii madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare uu soo saaray warqad uu kaga soo horjeedo jadwalkii ay saareen guddigu.
Waxaa jira walaac xooggan oo ka taagan doorashada maamulka Hirshabeelle, taad oo ku aadan in madaxda haatan ay sameystaan mudo kororsi.
Dhanka kale Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ku matala maamulka Hirshabeelle ayaa kal hore shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Muqdisho, waxayna uga digeen maamulka Hirshabeelle gaar ahaan madaxda waqtigoodu dhammaaday inay ka digtoonaadaan mudo kororsi ay sameystaan.