Booliska ayaa sheegay in wadaad ka tirsan mad-habka Orthodox-ka lagu toogasho lagu dhaacaway magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.
Xog warfidiyeenku ka heleen booliska ayaa sheegtay in qofkii falkaa geystay goobta ka baxsaday.
Wasiirka arimaha gudaha Faransiiska, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku faafiyey ku sheegay in dhacdo halis ahi haatan dhacday, laakiin wax faahfaahin ah kama uu bixin waxa dhacay.
Toogashadu waxay dhacday qiyaastii 4 galabnimo wakhtiga Faransiiska, makraas oo wadaadku kaniisada xidhayey, sida ay warbaahinta maxaliga ahi sheegtay.
Qof ka tirsan booliska oo wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay ayaa sheegay in ninka weerarka geystay sitay qori shoodh-gan ah.
Laakiin BBC-du ilaa haatan cid xogtaa u xaqiijisa ma hayso.
Wadaadka ayaa la sheegay in xaaladiisu ba’antahay, waxaanay wakaaladda wararku ku waramaysaa in goobtii lagu dhaawacay lagaga dawaynayo “dhaawacyo uu u dhiman karo”.
Wixii warar ah ee dhacdadan ka soo kordha halkan kala soco.