War goordhow naga soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaas laga maqlay jugta Qarax Xooggan, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay qeybo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa mid ayaa ayaa sida wararka aan ku helnay wuxuu ka dhacay agagaarka isgoyska Balack Sea ee degmada Howlwadaag.
Wararka hor dhaca ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa is-miidaamin, waxaana meesha uu ka dhacay ka agdhow fariisin ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray aaga ay wax ka dhaceen.