Xanuunka dhimirku waa xanuun caadi ah oo ku dhaca qeybaha maskaxda. Waa xanuun Alle keeno ee ma ahan ciqaab gaar ah oo qofka lagu ciqaabayo ama lagu ceebeynayo.
Kuma xirna da’da iyo waqtiga, wuxuu kugu dhici karaa waqti kasta iyo da’a kasta haddii Alle kuu qadaro. Qofka la nool xanuunka dhimirka, marka laga tago xuquuqda caadiga ah, wuxuu leeyahey xuquuq gaar ah, sida, daryeel, naxariis, iyo soo dhoweyn.
Dhaqan xun waxaa ah inaan qofka xanuunkaan qaba ku ceebayno, ku xumeyno, ku niyad jabino, ku takoorno, ku dhibaateyno, ku fogeyno, ku aflagaadeyno. Mararka qaar waxaa dhacda inaan qeyb ka noqono ama daawano qof dhimirka la’a oo lagu camiranayo, la jir dilayo, la aflagaadeynayo, la dhagax tuurayo, laga burburinayo waxyaabaha uu garaadkiisu tusey ee uu sameystey sida cooshadaha, kartoomada iyo dhagaxaanta.
Barbaarinta caruurta ee guriga iyo dugsiga waa in lagu daraa naxariista iyo daryeelka dadka dhimirka la’a, taas oo asaas u noqoneysa inaan helno bulsho dareenta, u naxariista, daryeesha dadka dhimirka la’a. Waa inaan meesha ka saarnaa, ka tirnaa dhaqankeena, luuqaddeena iyo af-ciyaareedka caruurteen oraahda xun ee ah ” Waa waalan yahey, Jinniyuu qabaa”!
Caafimaadku waa nimco Alle bixiyo loona baahan yahey in laga mahad naqo, waxaana ka mid ah inaad dareento dadka caafimaadka waayey oo ay mid yihiin dadka dhimirka ka xanuunsan. Xanuunka dhimirku wuxuu ka mid yahey xanuunada uu ka duceysan jirey Nabigeena CS.
Ogsoonoow haddii aad la kulanto qofka dhimirka ka xanuunsan isla markaana aad ku aragto sifooyinkaan, waxbuu kaa doonayaa ee garo oo wax la qabo;
1) Haddii uu kusoo fiiriyo marka lagu xadgudbayo wuxuu kaa doonayaa garab iyo difaac;
2) Haddii uu gurigaaga hor fadhiisto wuxuu kugu tuhmayaa inuu agtaada ku badbaadayo;
3) Haddii uu dhowr jeer albaabkaaga istaago waxaa haya baahi ama wuxuu doonaya adeeg kale;
4) Haddii adiga oo wax cunaya uu agtaada fadhiisto ama kusoo noqnoqdo wuxuu dareemayaa baahi;
5) Haddii uu kuu qoslo wuxuu kaaga baahan yahey naxariis iyo soo dhoweyn;
6) Haddii caruurta xaggooda uu ku leexdo ha u qaadan kaliya inuu dhibaato u geysanayo, waxaa suurtagal ah inuu ahaa waalid caruur dhaley isla markaana uu dareemayo waalidnimo uuna ciyaarsiinayo. Waxaa la hayaa dad badan oo ka kacey xanuunadaan isla markaana hormar ka sameeyey nolosha, adduunkana wax kusoo kordhiyey.
Xanuunada dhimirku ma ahan xanuuno joogto ah, waa xanuuno la daaweyn karo, inta badan dadku way ka caafimaadaan, waxaana caddeynaya cilmi baarisyo caafimaad oo hore loo sameeyey, waa haddii ay helaan daryeelka muhiimka u ah caafimaadkooda, isla markaana la hagaajiyo xaaladaha iyo duruufaha la xariira noloshooda.
Ugu danbeyn, Madax, maamul, iyo qof kasta waxaa waajib ku ah ka qeyb noqoshada daryeelka dadka dhimirka la’a. Si guud iyo si gaar ah waa inaan uga shaqeynaa abuurista jawi iyo fursado kaabaya caafimaadkooda.
Allow caafi inta dhimirka la’a!
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)
Agaasimaha Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia