Ciidamo ka tirsan kuwa Kumandoska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo ay fuliyeen Ciidamada Guutada 16-aad Ururka 5-aad ee xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka dhacay degaannada, Katiin, bernasey, Warabole, Cusbo, Xawaljiri, waxaana Saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen inay uga jawaabayeen cabasho uga timid Shacabka degaannadaas.
Saraakiil ka tirsan Guutada 16-aad ee Ciidanka DANAB ayaa waxay sheegeen in Al-Shabaab ay lacago ka qaadayeen dadka Shacabka ah taas oo ay ugu magac dareen zakawaad,isla markaana dadka si awood ah looga qaadayay.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ma shaacin waxyaabo ay ku soo qabteen howlgalka, hayeeshee waxay sheegeen inay xaqiijiyeen amniga degaannada ay howlgalka ka fuliyeen.
Dhanka kale Ciidanka DANAB ayaa mararka qaar waxay howlgallo qorsheysan ka fuliyaan degaano ka tirsan Shabeellooyinka iyo Gobolka Jubbada Hoose.