Ciidamo ka tirsan kuwa Kumandoska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo ay fuliyeen Ciidamada Guutada 16aad Ururka 5aad ee xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka dhacay degaannada, Katiin, bernasey, Warabole, Cusbo, Xawaljiri, waxaana Saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen inay uga jawaabayeen cabasho uga timid Shacabka degaannadaas.
Saraakiil ka tirsan Guutada 16aad ee Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay lacago ka qaadayeen dadka Shacabka ah taas oo ay ugu magac dareen zakawaad,isla markaana dadka si awood ah looga qaadaya.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ma shaacin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka, hayeeshee ay sheegeen inay xaqiijiyeen amniga degaannada ay howlgalka ka fuliyeen.
Ciidanka DANAB ayaa mararka qaar waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyaan degaano ka tirsan Shabeellooyinka iyo Gobolka Jubbada Hoose, hayeeshee ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.