Ciidamada dowlada ee ka howlgala degaanada Galmudug ayaa maanta barqanimadii qarax lagula eegtay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay lala beegsaday gaadiid ay wateen Ciidamada dowlada oo marayey degaanka Birta dheer oo ku yaalla wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Wadadan ayaa aheyd sanadahan mid amaan ah oo ana looga baran qaraxyada noocan oo kale ah, iyadoo inteeda badan la saaray laami cusub.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan, mana jirto cid sheegatay ilaa hadda inkastoo qaraxyadan oo kale looga bartay iney geystaan kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada DF iyo kuwa shisheeye ee taageeraya.